Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan ku jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo isku dayay inay weerar ku qaadaan..

Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan ku jabiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo isku dayay inay weerar ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda ee deegaannada Sabiid iyo Caanoole, kuwaas oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka naga soo gaaraya deegaannadaasi ayaa sheegaya in khasaaro xoog leh la gaarsiiyay Khawaarijta. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku jiray heegan buuxa xilliga uu cadowgu isku dayay weerarka.