Mudo intee la ek ayuu Kylian Mbappe Ka Maqnaan Doono Garoomada..

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu soo gaaray dhaawac, waxaana uu maqnaan doonaa muddo seddex isbuuc ah, isagoo seegaya kulanka muhiimka ah ee Madrid derby ee Atletico Madrid.
Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa in ay garoonka Wanda Metropolitano ku wajahdo kooxda ay isku magaalada yihiin kulan muhiim ah oo ka tirsan horyaalka La Liga.
Taageerayaasha Real Madrid ayaa ka walaacsan maqnaanshihiisa, gaar ahaan marka loo eego muhiimada uu u leeyahay kooxda.
Mbappe ayaa codsaday in la badalo intii lagu guda jiray kulankii dhawaa ee ay la ciyaareen Deportivo Alaves sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah.