Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyas Osman Lugatoor, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda daah-furka Shirkadda..

0
486841200_1204272191055121_7740382678943319128_n

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda daah-furka Shirkadda Korontada iyo Biyaha ee (Dahab Power & Water Company) oo laga hirgeliyay Puntland gaar ahaan caasimadda Garoowe .

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa la wadaagay madasha in Dowladda Puntland ay qaadatay siyaasad lagu taageerayo Laguna dhiirigelinayo maalgashiga iyo ganacsiga, sidaasi darteed marwalba ay soo dhoweynayso cidkasta oo dalka maalgashanaysa, wuxuuna boggaadiyey ganacsatada hirgelisay shirkada cusub ee korontada iyo Biyaha.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland , Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool caasimada Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *