MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DEGMADA CADALE KUSOO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa degmada Cadale waxa uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa loo galbiyey guriga martida ee magaalo xeebeedka Cadale waxaana halkaasi kulan gaar ah ku qaatay labada madaxweyne oo u wehliyo Taliyaha Ciidanka Lugta.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray dardargelinta howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ee ka socdo Hirshabeelle.
“Madaxweyne, Hirshabeelle waa halka lagu soo xiri doono dagaalka Khawaarijta maanta gabogabo ayuu marayaa.”
Guud ahaan deeganada Dowladda Hirshabeelle waxaa ka socdo dagaal lagu diidan yahay tacadiga Khawaarijta.