MADAXWEYNAHA OO SALAADA CIIDUL-FIDRIGA KULA TUKADAY JIIDA HORE EE DAGAALKA CIIDAMADA QALABKA SIDA..

0
487495965_1082248130613057_6232732135837129097_n

Cadale, 30-Maarso-2025: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo hoggaaminayo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta ayaa maanta jiida hore ee dagaalka kula dukaday salaada ciidul-fidriga Ciidamada Qalabka Sida, Xaq-u-dirirka deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan.

Hirshabeelle ayaa dagaal adag kula jirto Khawaarijta dalka kusoo duushay waxana lagu ciqaabay fagaarayaasha dagaalka.

“Ma-soomaayaasha waxaan dagaal adag kala hortagnay anaga oo sooman welina waxaan jiida dagaalka u joognaa sidii loo soo af-jari lahaa.”

Gabogabadii Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ku baaqay in loo midoobo howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *