Xarunta Dhexe Ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo lagu Qabtay Munaasabad lagu Daah-Furayey Barnaamijka Daryeelka

Xarunta Dhexe ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu daah-furayey barnaamijka daryeelka aragga dadka nugul gaar ahaan barakacayaasha, qaxootiga dalka kusoo laabtay iyo dadka deegaanka ee martida loo yahay.
Barnaamijkaan oo ay iska kaashanayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa la qorsheeyay inay ka faa,iideestaan dad tiradoodu gaareyso 10,000 oo kamid ah bulshada nugul, kuwaasoo heli doona adeegyo isugu jira baaritaan, daaweyn iyo qalliimo dhanka aragga oo casri ah, waxaana fulin doona dhaqaatiir u dhalatay dalka Shiinaha.
Daahfurka barnaamijkaan waxaa ka qeyb-galay madaxda sare ee Hay,adda NCRI, wakiilo kasocda Ururka Latalinta Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Shiinaha (CSBC), Isbitaalka Mustaqbal Eye Hospital iyo xubno matalayey bulshada nugul.


